AKHRISO:- Faahfaahin Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

Hal ruux ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay ka dib markii gaariga nooca Raaxadda ah uu jiiray goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Lambar 4 ee Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa ka dhacay Agagaarka xarunta Jaamacadda City, waxaana gaarigaasi la sheegay in uu bareegga goostay, islamarkaana darawelkii waday uu ku guuldareystay in uu xakameeyo.

Ciidanka booliska ayaa soo gaaray goobta uu shilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca iyo meydka dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Shilkaasi.

Qofka dhintay ayaa ka mid ahaa Ardayda Jaamacadda City, waxaana lagu magacaabi jiray Cadnaan.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku socday si xowli ah, islamarkaana uu hal mar si xoog ah kusoo kala wareegay oo uu jiiray goobaha ganacsiga.