AKHRISO:- Ciidanka Jubbaland oo qabtay Waxyaabaha Maanka dooriya

0

Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Baardheere kusoo qabtay Waxyaabaha Maanka dooriya iyo sidoo kale dadkii waday.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Baardheere ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen in ay kusoo qabteen Xariish tiro badan oo si sharci daro ah Magaalada lagu soo galay, waxaana uu tilmaamay in la qabtay gaari iyo Saddex ruux oo waday.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay lagu daba jiray ragga la qabtay, islamarkaana Cafis loo fidiyay, maadaama lagu guda jiro bil Ramadaam.

Gudoomiyaha ayaa xusay in la doonaayay in Ammmaanka degmada lagu qalqalgaliyo waxyaabahan.

Qaar ka mid ah dadkii lagu qabtay waxyaabaha Maanka dooriya ayaa u mahadceliyay maamulka degmada Baardheere, Maadaama ay cafis u fidiyeen.