Golaha Naafada Qaranka Oo Dalbaday In La Caawiyo

0

Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka C/laahi Macalin Axmed (Tima Cade ) ayaa ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo DFS ka dalbaday in Naafada Soomaaliyeed lala soo gaaro gurmad deg deg ah, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in la Afuriyo,waxaana sidoo kale uu shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan u gargaarida dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Baaqa ka soo yeeray Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadayo, xilli la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.