Ciidamada xoogga oo Baaritaano ka wado Duleedka Bariire

0

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaali ayaa maanta dha-dhaqaaqyo balaaran waxay ka wadaan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada hoose oo ay xalay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada ayaa baaraya deegaano u badan dhul mii ah oo beero ku yaalaan iyo xaafado aan badneen waxayna dadka degaanka waydiinayaan xogta ay ka hayaan Al-shabaabka ku sugan degaanka.

Ilaa hada ma jirto wax dad ah oo ay Ciidamada soo qabteen balse waxaa la soo sheegaya in arintaan ay cabsi ku beertay dadka degaanka oo u badan beeralay iyo dad reer mii ah kuwaas oo ka cabsi qaba in Bariire ay marti geliso dagaalo u dhaxeeya Ciidamada difaaa Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Saraakiisha milateriga Soomaaliya ee Shabeelada Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku raad-joogaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay aaminsan yihiin in ay ku sugan yihiin goobo aan ka fogayn Bariire.

Saraakiishaan ayaa sheegay in qorshaha dhaq-dhaqaaqa ay wadaan uu yahay sidii ay usoo Afjari lahaayeen Al-shabaabka ka dagaalama Shabeelada Hoose. Milateriga Soomaaliya ayaa Al-shabaaab ka saaray degaankaasi 8 maalmood ka hor.