Akhriso:-Shirkii Garowe oo soo dhamaaday & qaar ka mid ah qodobadii la isku afgartay

0

Kadib mudo Seddax maalin ah oo uu shir uga socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa la sheegayaa in goor dhaw shirkaasi la soo gaba-gabeeyay.

Shirka oo goor dhaw soo idlaaday walina aan laga soo saarin war-murtiyeed  ayaa xogaha ay ka helayno waxa ay sheegayaan in la isku afgartay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin.

1.In dib loogu noqdo xeerka doorashooyinka iyo kan petroolka ee horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.
2.In Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf loogu daro muddo kordhin dhan halsano(1 sano)Barlamaanka maamulkaasna Cadaado lagu soo celiyo.
3.Sameynta golaha iskaashiga dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada
4.In si wada jir ah loola dagaalamo argagixisada
5.In dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland.