AKHRISO:- Mareykanka oo sheegay in Saddex xubnood oo Shabaab ah uu ku dilay weerar ka dhacay Sh/Hoose

0

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika, ayaa sheegay inuu Saddex xubnood oo Shabaab ah uu ku dilay weerar dhinaca Cirka ah oo Axadii 5-ta May ka geystay deegaanka Toora Tooroow oo ka mid ah Saldhigyada ugu waaweyn ee Shabaab ku leeyihiin Gobolka Sh/Hoose.

Agaasimaha howlgallada AFRICOM Gregg Olson ayaa sheegay inay wadaan qiimeyn ah in hadii ay ku jiraan Saraakiil Shabaab ah xubnaha ay bartilmaameedsadeen, wuxuuna meesha ka saaray iney jiraan Dad Shacab ah oo duqeynta ay waxyeelo ka soo gaartay.

“Duqeymaheena aan ku taageereyno Soomaaliya waan sii wadi doonaa inta laga ciribtirayo shabakada argagixisada ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Gregg, sidda ku xusan bayaanka ka soo baxay Africom.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan bartamaha ku sii dhow waxa uu Soomaaliya ka fuliyay in kabadan 35 weerar, kuwaasoo uu ku dilay 300 oo Shabaab ah, wuxuuna Mareykanka sheegaa in weerarada ay yihiin kuwa ay ku wiiqayaana wooda Shabaab.