Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Gobalka Bari

0

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen buuraleyda Cal-miskaad oo ka tirsan gobolka Bari

Duqeynta oo sida la sheegay lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu garaacay buuraha Isha Gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in duqeynta ay ka dhacday Buuraleyda Cali-Miskaad ee Gobalka Bari.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta ka dhacday Gobalka Bari.

Dhawaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen gobalka Bari, islamarkaana halkaasi lagu dilay Hoggaamiye ku xigeenkii kooxda Daacish ee Gobalka Bari.