Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah u codeynta buuxinta labo xubnood oo ka banaan guddiga la socodka Dastuurka Dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa buuxinta labada kursi u gudbiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa utaagan qabashada kuraastaas kuwaas oo maanta ay Xildhibaanadu u kala codeyn doonaan.