DHAGEYSO:-Xalinta dagaal beeleed muddo ka socday Sh/dhexe oo heer gaba-gaba maraya

0

Waxaa rajo wanaagsan laga qabaa in la soo gaba-gabeeyay Waan-Waan muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday degaano katirsan Gobalka Shabeelada Dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo beeleed kuwaas oo iska dilay dad badan oo shacab ah.

Dadaalada Nabadda ayaa waxaa wada odayaasha degaanka, gaar ahaan Cuqaasha ka soo jeeda beelihii dagaalamay. Dhinacyada waan waanta wada ayaa sheegay in markaan ay dhowdahay in xal laga gaaro dagaaladii dhacay.

Dalad ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah dhalinyarada iyo aqoonyahaanad degaanadii lagu dagaalamay, Daladaas oo lagu magacaabo Warmocad ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ay ku taageerayaan dadaalada socda iyagoo dalbaday in la sii Xoojiyo.