Ra’iisul wasaare Khayre oo Wasiirro u magacaabay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya