DEG DEG: Wasiirka Warfaafinta Somalia oo iscasilay

0

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goordhow ku dhaawaqay iscasilaadiisa maanta oo Arbaco ah.

Wasiir Geelle ayaa ku micneeyay iscasiladiisa xiisada siyaasadeed u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee Dalka.

Mudane Geelle ayaa in uu iscasilay u xaqiijiyay Iddaacadda VOA.

Dhawaan ayee aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre uu soo magacaabay Wasiiro cusub, kuwaasi oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Soomaaliya.