AKHRISO:-Wasiirka Warfaafint XFS oo Ma’da u magacaabay Maareeyahay Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta Wariye Maxamed Abuukar Ma’da u magacaabay Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.

Maxamed Abuukar Ma’da oo muddo ka tirsanaa Warbahinta Qaranka ayaa soo qabtay xilal kaladuwan,isagoo ka soo shaqeeyey qeybaha warbaahinta waaxyeheeda.

Ma’da waxaa uu Horay u soo qabtay  Tifaftiraha Warbaahinta Qaranka ,sidoo kale waa qabiir saxaafadeed oo in muddo ah soo shaqeeyey.