Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa  Qarax goor dhow ka dhacay deegaanka Weydow ee dhaca duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka  lagu aasay ayaa waxa uu haleelay Gaari Cabdi-bile ah  oo ka mid ahaa kolonyo tignikaa oo ku socdaaleysay wadada  xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Seddax Askeri oo ka tirsanaa Xogga dalka lana socday gaariga uu qaraxu haleelay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Ciidamada ayaa qaraxa ka dib waxa ay fureen rasaas waxaana la sheegay in uu ku dhintay qof shacab ah waxaana ku dhaawacmay rasaastaas labo ruux oo kale.