DHAGEYSO:-58 Macallin oo ka qalin jebisay Machadka tababarka Macallimiinta Jubbaland

0

Dufcadaan oo ah tii koowaad ee ka qalin jebisa Machadka tababarka macalimiinta Jubbaland kana kooban 58 ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga iskuulada magaalada kismaayo oo muddo 6 bilood soo qaatay tababar macalin-nimo ayaa loo qabtay xaflad qalin jebin ah taasi oo uu soo qaban qaabiyey Machadka tababarada macalimiinta Jubbaland.

Machadka oo gacan ka helaya Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland ayaa tababarka macalimiinta siiyey, waxaana uu ahaa tababar kar loogu qaadayey xirfadda macalinimo si loo helo araday tayo waxbarasho leh.

Xafladda loo dhigay macallimiinta tababarku u dhamaaday waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku-xageenka Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland, Wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Jubbaland, Wasiirka Dastuurka Jubbaland, xubno ka soday maamulada Iskuulada magaalada Kismaayo iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ka mid ah macalimiinta qalin jebisay ee soo qaatay tababarka macalinimo oo muddo 6 bilood ah ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan xaflada loo qabtay iyo aqoonta u korortay.

Maamulaha Machadka tababarada macalimiinta Jubbaland Cabdiqaadir Maxamuud Xassan ayaa sharraxay u jeeddooyinka Machadka loo aas-aasay iyo tababarada ay macalimiinta siiyeen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Jubbaland iyo Wasiirka Dastuurka Jubbaland oo kulanka goob joog ahaa ayaa bogaadiyey aqoonta macallimiinta tababarka loo xiray oo ah mid dib ugu laabaneysa ardeyda Jubbaland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed Handal oo munaasabadda ayaa talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday ku tilmaamay howlaha uu qabtay Machadka tababarka macallimiinta Jubbaland.