DHAGEYSO:-Maxkamada Sare ee dalka oo aqbashay dacwad laga soo gudbiyay Madaxda Hirshablle

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanaha xoolaha ee maamulka Hir-Shabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi ayaa waxaa uu sheegay in ay dacwad u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, taasi oo ku aadan ay ka cabanayaan madaxda Maamulka Hirshabelle.

Xubnaha Dacwada gudbiyay ayaa waxaa ay gaarayaan 11 mudane oo ka tirsanaa wasiiradii hore ee maamulka Hirshabelle, waxaa ayna sheegeen in ay mudo 15 bilood aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa.