DHAGEYSO:-Wasaarada waxbarashada oo sheegtay in ay dib u soo celin doonto Xarumihii waxbarashada dalka

0

Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee dalka ka jirtay ayaa  waxaa meesha ka baxay waxyaabo badan oo uu dalku lahaa oo ay ka mid ahaayeen goobo waxbarasho, kuwaasi oo ahmiyad u ahaa bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada xukuumadda soomaaliya Axmed Xasan Yuusuf oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wasaarada ay wado qorsho dalka dib u loogu soo celinayo xarumihii waxbarasho oo ay laheyd dowladda.

Waxaa uu sheegay agaasimaha in ay dib u soo celin doonaan xarumihii lagu baran jiray kalluumaysiga ,Beeraha, farsamada iyo kuwo kale .