Wasiirka Amniga iyo Duqa Muqdisho oo kormeer ku sameeyey xaafado kamid ah Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir,taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadad gobolka Banaaadir ayaa kormeer ku maray qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Meelaha ay kormeerkan ku tageen waxaa kamid ah xaafado kuyaala degmooyinka Deyniile iyo Wartanabadda ee magaalada Muqdisho,waxaana mas’uuliyiinta ay marayeen dhamaan isgoysyada iyo xaafadaha.

Ujeedadad kormeerkan oo dhanka lugta ahaa ayaa la xiriirey sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaaladaha ammaan iyo midda horumar ee bulshada,iyagoo kulamo xog wareysi ah la qaadanayay qeybaha kaladuwan ee bulshada gaar ahaan xaafadihii ay tageen.

“Caawa waxaan si gaar ah u so booqatay Wartnabadda iyo Deyniile,oo ay ka socdaan howlgalo kaladuwan oo ay ka fulinayeeen laamaha amaanka,oo mudooyinkan dambe waday howlgaladaasi,iyagoo kaashanaya shacabka,waxaana socdaal lug ah ku mareynay xaafadaha,si aan ugu kuurgalno xaaladda amni iyo horumarada guud,waxaan ku amaanaynaa shacabka sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka”. Ayuu yiri mudane Tuulax.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya,iyadoo isgoysyada iyo xaafadah inta badan lagu arkayo ciidamo badan,kuwaasi oo baritaano ku sameynaya isu socodka dadka iyo gaadiidka,si loo xaqiijiyo amniga.