DHAGEYSO:-Guddiga Xuduuda Soomaaliya oo Sheegay in Kenya ay gudaha u soo galeen dhul ay leedahay Soomaaliya

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka  soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan ku yeesheen  Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajandeha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa  warbixin ay  ka dhageysteen  guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, iyadoona   Kulanka ay hortageen  Xubnaha Gudigaas, waxayna warbixin siiyeen Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxbanaan ee Xuduudaha Soomaaliya Xuseen Nuur Xaashi ayaa maanta warbixin siiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay Guddiga hortagayn Guddigaasi.

Xuseen Nuur Xaashi ayaa Golaha Shacabka warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay 4tii bil ee la soo dhaafay iyo Caqabadaha ku horgudban islamarkaana caqabad ku noqon kara qorshaha afarta bil ee soo aadan.

Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo cadeeyay in Kenya ay dhul ballaaran gudaha Soomaaliya u soo gashay arintaasna loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Guddiga Xuduudaha waxay sheegayn in Kenya ay qaateen qeyb ka mid ah dhulka soomaaliya oo dhirirkiisu dhan yahay 476 KM, waxaa ayna shaaca ka qaadeen in taasi ay dhibaato ku tahay shacabja Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay in madaxda Dowladda ay la wadaageen arintaasi.