SAWIRRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Qaabiley Wafdi Ka Socda Turkiga

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa xalay kulan la qaatey Wakiilka Hay’adda TIKA ee wakiil ka ah Dowlada aan walaalanahay Turkiga.

kulanka aya waxaa ka soo qeyb galey Wasiirada Qorsheenta, Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

kulanka aya waxa inta badan looga hadlay sidii hay’adda TIKA masharicyo kala Duwan ugu Fulin laheed deeganada KGS sida waxbarsahda Caafimaadka Iyo dib udhiska Deegaanada KGS si ay uga qeyb qataan Horumarka Deegaanada Dowlad Goboleedka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u Mahadceliyey Madaxda Hay’adda Tika sida Mar waliba ay ugarab taagan yihiin Dowlada KGS.