Dowladda Somalia Oo Markale Cadeysay Mowqifkeeda Ku Aadan Sharciyadda Falastiin

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shir guddoomiyay kulanka gaarka ah ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir arrimo dibadeed oo ay codsatay Falastiin, laguna qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, iyadoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa shirkani oo qabsoomay shalay oo Axad ahayd (21 April) ka dhex sheegay in mowqifka Soomaaliya ee arrinta Falastiin ay fure u tahay deganaanshaha bariga dhexe, isagoo caddeeyay taageerrada Soomaaliya ee sharciyadda Falastiin iyo xaqqa Shacabka Falastiin ee ah inay samaystaan dowlad madax banaan oo ku taaggan xuduuddii 1967, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari.