Xubno Ka Tirsanaa Xisbiga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbigs NCP ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Maamulayaasha Milliteriga ee dalkaasi xabsiga u taxaabeen xubno sare oo ka tirsan Xisbiga NCP ee uu hoggaamin jirey Albashiir.

Xubnaha Xabsiga loo taxaabay ayaa kala ahaa Ku-simihii Madaxii Xisbiga NCP, Axmed Haaruun, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, Cali Osman Daaha, Kaaliyihiisii hore, Cawad Al-jaaz, Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Islaamka, Al-zubayr Axmed Xasan iyo Guddoomiye hore ee Barlamaanka dalkaasi, Ibraahim Al-daahir.

Sidoo kale, Guddoomiyihii Barlamaanka Suudaan, Ibraahim Axmed Cumar iyo Kaaliyihii Albashiir, Naafic Cali  Naafic ayaa waxaa iyagana la geliyey Xabsi Guri.

Golaha Milliteriga haya talada Suudaan ee TMC waxay Hawlgab ka dhigeen dhamaan 8 Janaraal oo ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka dalkaasi, kadib, markii ay dibadbaxayaasha codsadeen in dib-u-habayn lagu sameeyo Hay’addaha Ammaanka dalkaasi.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Suudaan,  Al-waliid Sayid  Axmed waxa uu amray in la sameeyo Guddiga baaritaanka Dembiyadda ay Dowladii hore gashay, sida Musuqa, Adeegsiga Hantida Ummadda iyo Dembiyadii ku lug lahaa dhacdooyinkii tacadiyadda ee loo geystay dibadbaxayaasha.

Waxa kale oo uu ka codsaday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka in Xasaanadda laga qaado tiro Saraakiil ka tirsan Sirdoonka, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay dilkii Macallim ku dhintay Xabsiga bishii Feberaayo ee la soo dhaafay.