DHAGEYSO:-Dhalinyarada ku ganacsada gaari-gacanada ee suuqa Kismaayo oo cabanaya

0

Suuqa ganacsiga ee magaalada Kismayo ee loo yaqaan Suuqyare, waa goob saxmad badan, waxaa ka jira cariiri dhanka waddooyinka ah, waxaana loo aaneynayaa ciriirigaasi ganacsato yar yar ee ku shaqaysta gaari-gacanada kuwaasi oo dhigta waddada dhaxdeeda, dhalinyarada ku dhex ganacsata waddada ayaa mararka qaar dhibaato kala kulma gawaarida kala duwan ee isticmaala waddooyinka suuqa dhexmara.

Qaar kamid ah gacsatada gaari-gacanada oo aan wax ka weydiinay wax ku kalifay in ay ku dhax shaqeystaan waddada ayaa sheegay in aysan haysan suuq iyaga u goonni ah islamarkaana aysan awoodin in ay kireystaan hool ay ku ganacsadaan, waxayna Dowladda ka codsadeen in loo dhiso suuq ay ku ganacsadaan.