Soomaaliland oo xalay xabsiga dhigtay Wariye Coldoon

0

Ciidamada amaanka magaalada Burc ee gobolka Togdheer  ayaa xalay xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik Coldoon oo ka mid ah suxufiyiinta somaliland.

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay in wariye cabdi Maalik ay gacanta ku soo dhigeen  Coldoon oo bilihhii ugu dambeeyey ay ku daba jireen hay’addaha amaanka ee somaliland.

War qoraal ah  oo la soo dhigay Boga Internet-ka ee ciidamada booliska somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Wariye Coldoon oo in mudo ah la raadinayey, waxaana qoraalka lagu shaaciyay  in sharciga loo horkeenayo si deg deg ah.

Taliska Ciidamada booliska soomaaliland ayaa laga dhawrayaa inay soo bandhigaan waxyaabaha loo haysto wariye Cabdi maalik Coldoon.