Rag La Dhashay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Suudaan Oo Xabsiga La Dhigay

0

Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi waxay xireen 2 nin oo la dhalatay Madaxweynihii talada laga qaaday ee Cumar Xasan Albashiir.

Afhayeenka Golahaasi, Shamsudiin Kabashi ayaa sheegay in la xiray C/llaahi Xasan Albashiir iyo Cabaas Xasan Albashiir, iyadoo ay socdaan hawlgalo lagu soo qabanayo Hoggaamiyayaasha iyo dadka aadka ugu dhawaa Dowladii Albashiir.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ilo-wareedyo sheegeen in Cumar Xasan Albashiir loo gudbiyey Xabsiga Kobar ee ku yaalla Waqooyiga magaalladda Khartuum.

Dhinaca kale, Ururka Mucaaradka ee Xirfadleyda Suudaan ee SPA ee abaabulay Dibadbaxyada ka dhaca dalkaasi waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo si Golaha Milliteriga loogu cadaadiyo inay Talada dalka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah.

Dowladaha Reer Galbeedka waxay taageereen Codsiga Dibadbaxyadda ee Dowlad Rayid ah, haalka Ururka Midowga Afrika ay muddo 15-maalmood u qabteen Golaha haya talada Suudaan inay xilka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah.