Nin Soomaali Ah Oo Horay Dil Uga Geystay Dalka Britain Oo La Xukumay

0

Maxkamadda magaalladda Brimingham ee dalkaasi waxaa la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Abul Khaya, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Bile Siyaad.

Eedeysanaha oo 41-jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Marxumka bishii November 3-dii ee sannadkii hore, kadib, markii uu dhex maray muran Lacageed oo dhamaa 50 Giniga Ingiriiska ee Pound.

Marxumka ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay Madaxa, isla markaana uu markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii la gaarsiiyey.

Garsooraha Maxkamadda Birimingham Crown Court, Robert  Price ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha dilka geystay  lagu xukumay Xabsi Daa’in, waxaana laga yaabaa in la sii daayo, kadib marka uu dhamaysto xabsi gaaraya 22 sanno iyo 6 bilood