Dowladda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa qaab dhismeedka Maamul Gobaleedyada

0

Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ay ka qaybgaleen Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddiga Xuduudaha Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa looga hadlay laba qodob oo kala Qaabeynta Dhismaha Maamul Gobaleedyada iyo Sameenta Xuduudaha Maamul Gobaleedyada waxaana hadalo kala duwan ka jeediyay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyo Xubno kale.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan Xaduudaha Soomaaliya Khaliif Cabdikariin ayaa sheegay in Khilaaf wayn uu ka dhaxjiro dhamaan Maamul Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir kuwaas oo dhamaantood isku heesta Xuduudaha iyo degaano loona baahan yahay in waqti badan la geliyo arintaasi.

“Muranka Xuduudaha aad ayuu noogu badan yahay, waxaana idin sheegayaa in maamulada oo dhan ay isku heestaan Xuduudo iyo degaano” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha Khaliif Cabdikariim.

“Waxay u baahantahay mas’uuliyad wayn iyo in aan u horno waqti sidii aan u sameen lahayn Xuduudaha Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir” ayuu yiri Khaliif Cabdikariim oo ka hadlay kulankii maanta lagu qabtay Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo kamid ah Xubnihii kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in dib loogu laaban doono dhismaha Maamul Gobaleedyada islamarkaana la qaabeen doono sida uu hadalka uu dhigay.

“Waa in aan qaabeen ku sameynaa waxaana soo diyaarin doonaa sharciyada qaab dhismeedka Maamul Gobaleedyada waxaana kadib u gudbin doonaa hey’adaha ku shaqada leh” ayuu yiri Xuseen Cabdi Cilmi Wasiir ku xigeenka Dastuurka Soomaaliya. “Sidoo kale waa in aan kalaxadeen u sameynaa Xuduudaha Maamul Gobaleedyada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xuseen Cabdi Cilmi.