DHAGEYSO:-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay in Muqdisho lagu qabto banaanbax rabshado wata

0

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa ka digay in Muqdisho lagu qabto banaanbax sida lagu shaaciyay baraha Bulshada ku kulmaan ee Internate-ka.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dadweynaha ay cabashadooda soo bandhigi karaan si nabad ah iyagoo soo marsiinaya Baarlamaanka iyo coqaasha balse aysan muhiim aheyn in la dhigo dibadbaxyo rabshada wata.

Qatar kasta ayuu sheegay in dibadbaxaasi ay ka dhalan karto taas oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed waxa uuna cod dheer ku dalbaday in la joojiyo qorshahaasi.