Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

0

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17-ka Bisha April 2019, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay dhageysiga Warbixinta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Aqrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa,waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Maanta.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Axadii la soo dhaafay Kulankii ay yeesheen waxa ay ku su’aallo la xiriira xaalada amniga dalka gaar ahan Magaalada Muqdisho ka weeydiiyeen Mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.