Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay in Puntland ay diiday ka qeybgalka Imtixaanka mideysan

0

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Puntlnad ay sannadkan diidday ka qeyb-galka Imtixaanka mideysan ee ay si guud u qaado dowladda Soomaaliya, taasna ay khatar ku tahay mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada Puntland.

Wasiir Goodax Barre ayaa tilmaamay in Wasaarada Waxbarashada Puntland u sheegtay in aysan u diyaarsaneyn in sanadkan ay Imtixaanka mideysan ee dowladda qaado ka qeybgasho, isagoo tilmaamay in wali aan xal laga gaarin dood sanadahanba taagneyd.

“Puntland sanadkan sidey inoo sheegeen uma diyaarsana inay Imtixaanka ka qeybgalaan, runtii waa nasiib darro maxaa yeelay dood muddo dheer socotay ayaa Puntland iyo dowladda ka dhaxeysay, waxaan u maleynayay in sanadkii hore xal laga gaaray, laakiin meeshii ayey hada taagan tahay” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Waxaa uu dhinaca kale digniin u diray Waalidiinta iyo Ardayda ku nool deegaanada maamulka Puntland, wuxuuna u sheegay ineysan qaadan hadalka maamulkooda, maadaama shahaadada dowladda iney qaataan laga doonayo.

“Waxaan rabaa in ardayda Puntland iyo Waalidinta aan uga digo khatarta ay leedahay arintaas, Puntlandna waana uga dignay qof walba oo mas’uul ah oo Puntland joogana waa ogyihiin, waana nasiib darro inay go’aankaas gaaraan, marka iyagaa isku tashanaayo markey timaado Imtixaanka iyo waxa la xiriira” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Wasiir Goodax Barre.

Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa in aanu weli jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya maamulka cusub ee Madaxweyne Deni iyo Xukuumada Soomaaliya.