Wararkii ugu dambeeyay Qarax kale oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay Magalada Muqdisho kaas oo geystay khasaara isugu jira dhiamsho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay meel u dhow Isgooyska Dabka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 Ruux.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 4 Ruux ay ku dhinteen, islamarkaana 5 kalena uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Gawaarida gurmadka deg dega ah Aamin Ambulance oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay xaqiijiyeen inay qaadeen dhaawacyada ilaa 13 ruux.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi.

Waa qarixii labaad oo maalin gudahood ka dhaco Magalada Muqdisho,waxana isla Maanta qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay agagaarka Hotel lagu Magacaabo Mubaarak oo u dhow Isgoska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.