SAWIRRO:-Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusub Ee Suudaan Oo La Kulmay Diplomaasiyiin Reer Galbeed Ah

0

Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-xigeenka Madaxa Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan, Jeneral Maxamed Xamdaan “Xemeti” waxa uu dhowr Danjirayaal Caalami ah kula kulmay Qasriga Jamhuuriga oo ku yaalla magaalladda Khaartuum.

Wakaalladda Wararka Suudaan ee SUNA ayaa sheegtay inuu Madaxweyne-ku-xigeenka la kulmay Hawl-fuliyaha Safaaradda Maraykanka ku leedahay Suudaan, Steven Koutsis, wuxuuna warbixin ka siiyey xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Suudaan, sababihii loo dhisay Golaha KMG ee Milliteriga ee talada kala wareegeen Madaxweynihii hore iyo tallaabooyinka lagu sugayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Suudan.

Madaxweyne-ku-xigeenka cusub ee dalka Suudaan, Jeneral Maxamed Xamdaan “Xemeti” waxa kaloo uu si kala gaar-gaar ah u qaabilay Danjirayaasha Ururka Midowga Europe, British iyo Holland u jooga magaalladda Khartuum, isagoo kala hadlay Xaalladda Amaanka iyo Qorshaha Golaha Milliteriga ee xilliga Kal-guurka Siyasaadeed iyo dhismaha Dowlad KMG oo ay Rayid ah.