SAWIRRO:-Faah Faahin Kasoo Baxeysa Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Albaabka hore ee Hotelka Mubaarak ee ku yaalla agagaarka Isgoyska Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay Wadada dhinaceeda,waxaana goobta xiligaas yaallay gaadiid kale,kuwaas oo uu qabsaday dab xoogan.

Qiic iyo uuro madow ayaa markii uu qaraxa dhacay isku shareertay Cirka,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana markii dambe goobta gaaray gaadiida Dab-damiska oo ku guuleystay daminta dabkaas.

Xog aan helayno ayaa sheegaysa in qaraxa wax Khasaaro ah uusan geysan,hayeeshee jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho,sidoo kalana uu baxsaday Darawalkii waday gaariga qarxay.