Netanyahu”Hoggaamiyeyaasha Carbeed ayaa iigu hambalyeeyay guusha doorashadeyda”

0

Ra’iisul Wasaaraha Isre’al Benyamin Netanyahu oo toddobaadkii hore ku guulasytay doorashadii ka dhacday Isra’el ayaa sheegtay in madax ka mid ah madaxda carabta iyo dalalka Islaamka ay u soo hambalyeeyeen balse waxa uu ka gaabsadey in uu magacyadooda xuso.

“Waxaan dhanbaallo hambalyaha ah kala kulmey Hoggaamiyaal badan oo Carbeed iyo kuwa dowladaha Islaamka,kama hadlayo hal Hoggaamiye oo Carbeed ama labo balse kuwa badan oo ka mid ahi wey isoo gaarsiiyeen hambalyadeyda,waxaa na horyaalla fursad weyn oo dhanka guulaha iyo horumarka ah,Isra’el waxaan u badalnay awood caalami ah oo kor socota” ayuu yiri Benyamin Netanyahu oo la hadlayay taageerayaashiisa ee xisbiga Likud-ka.

Xisbiga garabka Midig ee Likud ee Ra’isul wasaaraha ayaa ku guulaystay 35 Kursi, halka xisbiga ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Generaal hore oo ka tirsanaa ciidamada oo lagu magacaabo Benny Gantz. Barlamaanka ayaa ka kooban 120 Kursi.

” Dhamaan shacabka Isreal, Yuhuuda iyo dadka aan yuhuuda ahayn, waxaan ka dalbanayaa inay ka qayb ka noqdaan guusha weyn ee wadanka Isreal gaaray, waxaan noqonayaa Ra’isul wasaaraha qofkasta” sidaas waxaa yiri Netanyaho