Maxkamadda G/Banaadir Oo Maanta Bilowday Dhageysiga Dacwada Kiiska Marxuum Axmed Dowlo

0

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay bilowday Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaal loo heysto in ay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo gubid loo geystay  Muwaadin Soomaaliyeed.

Falkaas oo Sanadkii  la soo dhaafay ee 2018 ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,isla markaana loo geystay Marxuum Axmed Dowlo ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen 7 qof oo isugu jira  Rag iyo Dumar.

Fadhiga Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Maanta ka bilaabatay Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaasha ayaa waxaa Guddoominayay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed,waxaana weli si rasmi ah loo shaacin xiliga la soo gabagabeen doono  Dhageysiga Kiiskaas.

Allaha u Naxariistee Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax oo ku magac dheeraa Axmed Dowlo oo ahaa Nin ka shaqeeyn jiray Garaash ku yaalla Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa fal arxan dara ahaa ku dilay dad isugu jiray Rag iyo Dumar,iyadoona loo dilay arrimo la xiriira Guur heybsooc ahaa.