Jubbaland oo gacanta Ku dhigtay Koox dil ka geystay Beledxaawo

0

Ciidamada Nabadsugidda maamulka Jubbaland ayaa labo xubnood oo  ka tirsan Al-shabaab ku qabteen degmada Beledxaawo kadib markii ay dil ka geysteen degmadaasi, sida ay sheegeen Taliska Nabad ka Jubbaland.

Taliyaha Nabada sugida Jubbaland ee degmada Beledxaawo Cali Xasan Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in raggaan la qabtay ay dileen nin lagu Magacaabo Bishaar Xareed oo ka mid ahaa Shaqaallaha dowladda Hoose ee degmada Baledxaawo, isagoona sheegay in raggan ay isku dayeen in ay baxsaddaan ciidamada balse gacanta lagu soo dhigay.

Cali Xasan Dheere ayaa Waxaa uu sheegay in dhawaan sharciga la horkeeni doono, islamarkaana Ciidanka Nabadsuggida Jubbaland ay ka go’an tahay in ay gacanta kusoo dhiggaan Kooxaha dilalka ka geysta Magaalada Beledxaawo.