Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

0

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhalinyarada oo gaaraya lix qof waxay isugu jireen shan wiil iyo hal gabar waxana ay ka kala tahriibeen Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo Mandheera, iyagoo Dhawr sano kuxirnaa Xabsiyo kuyaala dalka Liibiya halkaasoo Ay kuheysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

Waxaana maanta Nasiib ay u yeesheen inay dib dalkooda ugusoo laabtaan kadib markii Ay arintaas Dadaal wayn ugashay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ambassador Maryam yaasiin oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyey Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Ergeyga gaarka ah  ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha iyo  Wakiilo matalayey hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM.

Qaar kamid ah dhalinyaradi soo noqday maanta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo umahadceliyey MadaxdaQaranka  iyo  Ambassador Maryan yaasiin Doorkooda Ku aadan soo sii deyntooda. waxayna ka sheekeen dhibaatadii ay kalasoo kulmeen Dalka Libiya.

Maxamed Amiin Cabdullaahi Cusmaan  oo ah Kusimaha Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha oo kamid ahaa Masuuliyiintii Soo dhaweeyey Dhalinyarada ayaa sheegay in dhalinyarada maanta imaatay ay kamidyihiin Tahriibayaal ku xirnaa Dalka Liibiya, wuxuuna intaas kudaray inay jiraan jiraan dhalinyaro kale oo kuxiran Xabsiyada Liibiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro tahriibayaal ah lagusoo celiyo Dalkooda hooyo, waxaana ka horeeyey dhalinyaradan kuwa  oo kale oo tahriibayaal ah kuwaasoo Dowlada Soomaaliya ay dadaal wayn ugashay sidii ay ugasoo sii deyn laheyd Xabsiyada Dalka Liibiya.