DHAGEYSO:-Salaad Cali Jeelle “Banaan bax looga soo horjeedo dowladda Federaalka ayaa la qaban qaabinayaa”

0

La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in la qaban qaabinayo banaan bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, kaasoo uu ku eedeeyay inay wadaan Mucaaradka iyo Xisbiyada fadhigooda yahay Muqdisho.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in banaan baxyada la abaabulayo lagu bixinayo dhaqaale laga soo qaaday Imaaraadka Carabta ah, isagoo xusay in la doonayo in lacag la siiyo barakacayaasha, si ay dibad baxyada uga qeyb geliyeen.