DHAGEYSO:-Maamulka Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Al-Shabaab Ay Go’doomiyeen Degmada Marka

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin ay sheegeen in ay ka jirto degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib markii halkaasi ay Go’doomiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Maxaad Maxamed Ciise oo ah Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in degmadaas dadka ku nool ay heestaan dhibaatooyin adag oo sababay Go’doominta ay geliyeen Al-shabaab.