Ciidanka Kenya Oo Qarax Lagula Eegtay Jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xooagn ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo  ay wateen Ciidankaasi, xilli ay marayeen deegaanka Madharaan oo u dhexeeya jaziiradaha Raas-Kaanbooni iyo Buur Gaabo ee gobolkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan, walow aan si arsmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Al Shabaab oo sheegtay massuliyadda qaraxaasi ayaa baahiyay in ay ku dileen illaa 15 Askari, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan.