AKHRISO:-Dad Shacab ah oo lagu dilay degmada Wadajir

0

Koox hubeysan oo watay gaariga kuwa raaxada ayaa caawa waxaa ay dad Shacab Ku rasaaseeyeen xaafada Kaawa goday ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay Afar qof oo isku qoys ah ayaa maqribkii lagu dilay Xaafadda Kaawa Godey ee degmada Wadajir.

Dadka la dilay oo rag ah dhamaantood ayaa la sheegay in meel ay ku sugnaayeen gaari la soo ag dhigtay kadibna rasaas lagu furay.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kooxda falka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Afarta qof ee lagu dilay Xaafadda Kaawa Gudey ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray:-

1-Maxamed Cabdi Maxamed.

2-Maxamed Saciid Muuse.

3- Cabdi Xassan Ibraahim.

4- Cismaan Xassan Siidow.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka ka wada caawa.