SAWIRRO:-Wasiirka Cadaaladda XFS oo daah-furay shirka wada-tashigga dhibaatooyinka Musuqa iyo horumarinta Hufnaanta Maamulka Bulshadda

0

Wasaaradda Cadaaladda  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo qaban qaabisay  shirkaan  dood Cilmiyeedka wada-tashigga ah, kaasi oo looga hadlayey Dhibaatooyinka Masuqa iyo horumarinta hufnaanta Maamulka  Bulshadda, waxaana  ka qeyb galay Xubno ka socday Ururada dhalinyaradda dalka ka jira iyo xubno ka socday jaamcadaha.

Shirkaan ayaa socon doona muddo labo maalin ah, iyadoo diiradda  lagu saari doono dhibatooyinka Musuqa  uu ku hayo bulshadda iyo sida looga hor-tagi karo .

Dr Ismaaciil Jimcaale Calisoow Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaalada XFS ayaa sharaxay dhibatooyinka Masuq iyo sida dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan ka hor-tadga Masuqa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji   oo daah-furay shirkaasi ayaa sheegay in dalka mustaqbalkiisa uu gacanta ugu jiro dhalinyaradda, taasina looga baahan yahay in aragtiyo wanaagsan ay ka soo saaraan shirkaaan.

Shirkaan ayaa maalinta berri ah lagu soo gabo-gabeyn doona magaaladda Muqdisho,  iyaddoo laga soo saari doono qodobo ku saabsan  horumarinta hufnaanta Bulshadda iyo ka hor-tagga masuqa.