Midowga Afrika oo 15 maalmood u qabtay Milatariga Suudan inay xukunka ku wareejiyaan

0

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa muddo kooban u qabtay u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan si ay xilka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah, ama xubinnimada laga laaban doono.

“Xukuumad ku meelgaar ah oo milatarigu hoggaaminayo waxay si buuxda uga soo horjeedsan doontaa wixii ay baadigoobayeen dadka Suudaan” ayaa lagu yiri war saxaafdeed uu soo saaray golahaasi ka dib kulan uu ku yeeshay xaruntiisa dhexe ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa dalbaday “in guddiga milatarigu uu awoodda iska dhiibo, kuna warreejiyo xukuumad rayid ah” iyadoo aysan arrintaasi la dhaafayn 15 maalmood, haddii kalana Suudaan laga mamnuuci doono ka qaybqaadashada dhammaan arrimaha Midawga Afrika.

Hogaamiyaha cusub ee dalka Sudan General Burhan ayaa hore u sheegay in muddo labo sano gudahood uu ku wareejin doono xilka,waxana uu wadahadalo la bilaabay kooxaha mudaaharaadka ka dhigaya caasimada Sudan ee Khartoum.

Hase yeeshee sarkaal ka tirsan Golaha hoggaanka Milatariga dalka Sudan ayaa magaalada Addis Ababa ee ay ku taal xarunta Midowga Afrika kula kulmay shalay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Sudan.