Mareykanka oo Xaqiijiyay in Duqeyn Lagu Dilay Ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

0

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn diyaaradaheeda duuliyaha aan la laheyn ay ka fuliyeen Deeganadda maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda afrika (AFRIKOM), ayaa lagu sheegay duqeynta oo dhacday 14-kii bishaan in lagu dilay Ku-xigeenkii Hogamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya C/Kariin Dhuqub.

Madaxa Howlgalka Mareykanka ee Afrika Gregg Olson, ayaa sheegay in duqeynta ay si wadajir ay u fuliyeen ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya islamarkaana aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gregg Olson in ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la beegsadaan