DHAGEYSO:-Puntland Oo Guddi U Saartay Falalka Kufsiga Ee Ka Dhacay

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo dalka dibadiisa ugu maqan gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay Arrimaha falka kufsiga ah ee kusoo badanaya deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu guddi baaris dhab ah u saaray halka laga soo abaabulo falalka kufsiga ah ee ka dhaca deegaanada Puntland,isla markaana lagula kaco gabdhaha yar yar ee kunool Puntland.