Maamulka Gobalka banaadir iyo Wadayaasha Gadiidka Dadweynaha oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta waxaa uu  kulan la qaatay Guddi ka socday Wadayaasha gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Kulanka ayaa waxaa uu ahaa Xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kula dardaarmay gudiga gaadiidka BL-ka in ay kaalin ka qaatan nabad galyada iyo ilaalinta sharuucda isticmaalka wadooyinka Muqdisho, si looga hortago falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada.

Guddigan ka socday Gaadiidleyda Bl-ka ayaa waxaa ay ka cabasho  u gudbiyeen Maamulka Gobalka Banaadir, islamarkaana waxaa ay ka dalbadeen in ay wax ka qabtaan Wadooyinka xiran iyo canshuur Xad dhaaf ah oo ay sheegeen in laga qaado.