DHAGEYSO:-Kooxo Hubeysan Oo Saddex Qof Ku Dilay Ceelasha Biyaha

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku warramaya in rag hubeysnaa ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah.

Gaariga oo ahaa Kaarib, islamarkaana ay saarnaayen illaa saddex ruux ayaa yiilay agagaarka Isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda.

Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dhacdadaasi.