SAWIRRO:-Senator Ayuub Ismaaciil oo booqdey xarunta gargaarka ee Boqor Salmaan ee Muqdisho

0

Senator Ayub Ismaaciil Yuusuf ayaa magaaladda caasimadaa ee Muqdisho ku booqday xarunta ugu weyn ee Gargaarka iyo arimaha Bini’aadantimada ee Boqor Salmaan ee bariga Afrika halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay . Senatorka ayaa waxaa si maamuus iyo qadarin ku jirto waxaa ugu soo dhaweeeyay maamulaha xarunta mudane sulmaan Suweyd ,iyagoona ka wada hadlay arimaha bini’aadantimada ee Hey’aado Boqor Salmaan ay ka wado 18 gobol ee Soomaaliya .

Maamulaha iyo Senatorka ayaa waxaa si gaara ay iskaga waraysteen arimaha bini’aadantinimada ee gobolka Awdal oo abaaro ba’an iyo roob la’aan ay ka jirto . Iyadoo dhawaan ay nagu soo beegan tahay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa uu sheegay Salmaan Suweyd inay bilaabi doonaan gargaarka ay ugu talagaleen 18 gobol ee Soomaaliya , isagoona intaas ku daray in gobolka Awdal oo cirifka waqooyi-Galbeed kaga yaal Soomaaliya inay il gaara ku eegi doonaa kaasi oo dhawaan ay ku dhufatay duufaantii SAGAR .

Mudane Salmaan Suweyd maamulaha xarunta Boqol Salmaan ayaa balan qaaday in wajiga koowaad ay bixin doonaa Labo Ambulance iyo qalab caafimaad oo iskugu jira sariiro iyo agabka kale ee Isbitaalada kuwaasi oo la geyn doono gobolka Awdal .

Mudane Senator Ayub Ismail Yusuf oo ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo gudddiga arimaha dibada ee aqalka Sannadka ayaa dadaal dheer ugu jira sidii loo gaarsiin lahaa deegaanada uu ka soo jeedo oo inta badan aysan gaarin gacanta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeqaha beesha Caalamku ugu gala galay gobolkaas .