DHAGEYSO:-Puntland oo sheegtay in Hogaamiye ku-xigeeknkii Daacishta ee Soomaaliya in la dilay

0

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdismad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari lagu dilay madax katirsan Kooxda Daacish.

Wasiir Gallan ayaa in duqeyntaas lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa oo la socday.

Waxa uu intaa ku daray in gaari nuuca raaxada ah oo uu watay ku xigeenka Daacish in lagu burburiyay duqeynta. Ma sheegin cidda geysatay ama fulisay,