AKHRISO:- Madixii Hay’adda Ammaanka Iyo Sirdoonka Suudaan Oo Is-Casilay

0

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay’adda Qaranka ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS), Salaax C/llaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo.

Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir, waxaana Hay’adaasi lagu eedeeyey inay ku lug lahayd dilkii Dibadbaxyaashii codsanayey in la soo af-jaro Xukunka Milliteriga.

Waa mas’uulkii 2-aad ee xilka ka dega, iyadoo Jeneral Axmed Cawad Bin Coof uu xalay ka degay xilka Madaxa Golaaha KMG ee Milliteriga (TMC), kadib, hal maalin kadib, markii uu xilkaasi qabtay, iyadoo ay Dibadbaxayaasha codsanayaan Isbedel Siyaasadeed oo Degdeg ah.

Wakaalladda Wararka Suufaan ee SUNA waxay maanta sheegtay inuu Madaxa Cusub ee Golaha KMG ee Milliteriga Suudaan, Jeneral C/fataax C/raxmaan Al-burhaan waxa uu oggolaaday Is-casilaadda Madixii Sirdoonka dalkaasi, Saalax Gos.