Mareykanka oo sheegay in uu dib u Bilaabay Duqaymihiisii Soomaaliya

0

Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in uu dib u bilaabay duqaymihii uu ka geeysan jiray Soomaaliya kadib markii uu si kooban u hakiyay taasi ka dambeysay warbixin ku eedeysay in Mareykanku uu qariyo dadka rayidka ee duqaymihiisu wax yeleeyaan.

Weerarkii ugu dambeeeyay waxaa uu dhacay Talaadaddii waxaana uu ka dhacay meel u dhow Degmadda Jilib ee gobolka Jubadda dhexe, waxaana ku dhintay dagaalame ka tirsan Al-shabaab, sida AFRICOM uu ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray.

“Waxaan qiimeeynay in aysan Dad shacab ah ku dhaawacmin ama aysan ku dhiman duqaynta” ayaa lagu yiri Warka AFRICOM.

Sida ay sheegtay Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha Shan duqaymood oo Mareykanku uu Soomaaliya ka geeystay ayaa intii u dhexeeysay April 2017 iyo December 2018 waxaa ku dhintay 14 qof oo shacab ah.

Markii hore taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa waa uu beeniyay in duqaymihiisa ay ku dhintaan dad shacab ah, hase ahaatee Jimcihii ayuu qirtay in April 2018kii ay hooyo iyo ilo yar duqaymohoodu dileen.

Duqaymaha Mareykanku waxaa ay caawimaad u yihiin Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya iyo Saaxibadeeda ka caawiya Dagaalka Al-shabaab.

Waxay sidoo kale duqaymuhu kalifeen in yaraado Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee goboladda ay maamulaan, sida uu sheegay Taliska Military ee MAreykanku uu Africa ku leeyahay.